RASMI: saxiixa cusub kooxda Barcelona ee reer Brazil Malcom oo ka gudbay tijaabada caafimaadka

(Barclona) 25 Luulyo 2018. Xidiga reer Brazil ee Malcom ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka ee kooxda Barcelona maanta Arbaco ah, kahor inta uusan saxiixiin heshiiskiisa kooxda reer Catalonia isla markaana aanan saxaafada iyo jamaahiirta loo soo bandhigin.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Bordeaux ayaa saxiixi doona xiliyada soo aadan heshiiska kooxda Barcelona  si uu qeyb kaga noqdo safarka kooxda Barcelona ee dalka Mareykanka, kaasoo ay ugu diyaar garoobeyso xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Barcelona ayaa shalay oo Talaado ah sheegtay in ay kala heshiisay kooxda Bordeaux saxiixa Malcom aduun dhan 41 million euros.

Sida laga soo xigtay war-murtiyeedka rasmiga ah ee ay soo saartay Barcelona, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa saxiixi doona qandaraas shan sano ah ee gaarata ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan 2022-2023 ka dib marka uu maray tijaabada caafimaadka.

Garabka reer Brazil ayaa bilaabay xirfadiisa kubada cagta isagoo 10 jir ah waxayna kooxda Barcelona adeega laacibkan kaga maarantay raacdada ay ugu jirtay saxiixa Willian Borges, kadib markii ay Chelsea iska diiday in ay u fasaxdo saxiixiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close