Ronaldo oo Juventus ka Dalbaday inay Barcelona ka soo qaataan Xiddigan…!!!

(Turin) 25 Luulyo 2018. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa inuu kooxdiisa Cusub ee Juventus uu ka dalbaday in loo keeno xiddiga ay isku dhalashada yihiin ee qadka dhexe kaga ciyaara Barcelona ee Andre Gomes.  

24-jirka ayaa ku dhex lumay Barcelona oo boos joogta ah ka waayay iyadoo xitaa la wariyay in Messi uusan ka helin qaab ciyaareedka xiddiga reer Portugal.

Don Balon ayaa iminka warinaya in Ronaldo uu aaminsan yahay in Gomes uu ku haboon yahay inuu kala garab ciyaaro Juventus isla markaana doonayo inuu ka soo bixiyo hooska ay Barca ku qarisay.

Image result for Ronaldo with Andre Gomes

Kabtanka Portugal ayaa aaminsan in Gomes uu soo ceshan karo kubbadiisa cajiibka ahayd ee lagu yaqiinay markii uu joogay Valencia.

Inkastoo ay Juventus dooneyso inay ka jawaabto dalabka Ronaldo oo ay keento saaxiibkii misane waxay ka walaacsan tahay qaab ciyaareedka liita uu iminka ku jiro Gomes.

Sidaa darteed Marwada Duqada ah ayaa eganeysa inay ku soo qaadato Gomes heshiis Amaah ah oo leh dooq ay toos ula wareegi karto haddii uu fiicnaado.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close