RASMI: AC Milan oo xaqiijisay in Leonardo uu dib ugu soo laabtay

(Milan) 25 Luulyo 2018. Milan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Leonardo uu ku soo laabtay kooxda, si uu u noqdo agaasimaha guud ee kooxda Rossoneri.

Halyayga reer Brazil ayaa wux hory kaga soo qabtau kooxda Milan kasoo noqday ciyaaryahan iyo Tababaraha kooxda, xili sidoo kale kooxda Paris Saint-Germain kasoo noqday agaasimaha ciyaaraha.

Milkiila yaasha kooxda Milan ayaa waxay horey u sheegeen in Leonardo uu dib ugu soo laabanayo Rossoneri waxaana ugu dambeyn si rasmi ah loo xaqiijiyay maanta oo Arbaco ah.

Hadaba war rasmi ah ee kasoo baxay kooxda Milan ayaa lagu sheegay “Marxaladda cusub ee Milan waxay agaasimaha guud u magacawday Leonardo”.

“Ujeedada guud ee maamulka cusub ee kooxda ayaa ah dib ugu soo laabashada tartamada yurub, magacaabista Leonardo ee ah agaasimaha guud, waa talaabo horumar leh ee sare u qaadi karta ujeedka iyo rajada aan qabno”.

“Faahfaahinta dheeriga ah ee ku saabsan qaabeynta maamulka kooxda waxaa la shaacin doonaa xiliyada soo aadan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close