“Leicester City iyo Brighton way naga fiican yihiin”…. Jose Mourinho oo la kaftamay Jamaahiirta kooxda Man United

(Manchester) 25 Luulyo 2018. Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose  Mourinho ayaa ka hadlay xaalada haatan Red Devils ee diyaar garowga xilli ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Sidoo kale Jose  Mourinho ayaa wuxuu ka warbixiyay diyaar garowga Manchester United, xidigaha uu heysto iyo arimaha suuqa kala iibsiga.

Mourinho ayaa kula kaftamay jamaahiirta Manchester United in diyaar garowgooda xili ciyaareedka cusub iyo dhaq dhqaaqooda suuqa kala iibsiga inuusan wanaagsaneen.

Macalinka reer Portugal ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxaha Leicester City iyo Brighton ay xiligan ka fiican yihiin Manchester United.

Jose Mourinho ayaa sheegay in Manchester United aysan u fiicneen marka la barbar dhigo kooxaha kale sida Liverpool, Chelsea iyo Arsenal, kuwaasoo awooday in dhamaan ciyaartoydooda ay dib ugu soo laabtaan, ka hor bilowga xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close