Wayne Rooney oo kaga digay Jose Mourinho in Anthony Martial uu ka fasaxo kooxda Manchester United

(Manchester) 24 Luulyo 2018. Kabtankii hore kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa kaga digay macalinka Red Devils ee Jose Mourinho inuu iibiyo Anthony Martial inta lagu jiro suuqan xagaaga.

Sida ay sheegeen maalmahan wararka ka imaanaya gudaha dalka England Anthony Martial ayaa qarka u saaran inuu isaga dhaqaaqo garoonka Old Trafford.

Anthony Martial ayaan muhiim ka noqon qorshaha Jose Mourinho xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidaas darteed wuxuu go’aansaday inuu isaga dhaqaaqo kooxda Manchester United.

22 jirka reer France ayaa wuxuu haatan yaboohyo kala duwan ka helayaa kooxaha reer London ee sida Chelsea iyo Tottenham hadii ay maamulka Red Devils go’aansadaan inay iska iibiyaan.

Laakiin Wayne Rooney ayaa qaba fikir ka duwan sida haatan la filayo ee ah in Anthony Martial uu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford wuxuu ka digay in laacibkan la fasaxo.

“Waxaan u maleynayaa in Martial uu yahay xidig aan la rumeysan karin, lakiin waxaan qabaa inay dhibaatadu tahay sida uu ku muujin lahaa awoodiisa ciyaareed”

“Inta aan aqoono Martial, waxaan qabaa in uu leeyahay heerka isku midka ah sida ugu fiican ee dhanka horyaalka, hadii uu ku guuleysto inuu banaanka u soo saaro wax walba ee awodiisa ah”.

“Waxaan u maleynayaa inay adagtahay inaad u aqoonsato shakhsi ahaan, marka loo fiiriyo dabeecadiisa, laakiin waxaan qabaa in marka aad si fiican u barato, waxaa waajib kugu noqoneysa inaad farxad siiso isaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close