Stefano Sturaro oo ku dhow inuu ku biiro horyaalka Premier League, iyo Juventus oo go’aamisay qiimaha ay ku fasaxeyso

(Juventus) 24 Luulyo 2018. Laacibka reer Talyaani ee Stefano Sturaro ayaa qarka u saaran inuu ka dhaqaaqo kooxda Juventus, waxanaana la filayaa inuu ku biiro horyaalka Premier League.

25 jirkan ayaa yimid kooxda Juventus sanadii 2014, wuxuuna kaga soo biirary naadiga Genoa aduun dhan £ 8.64 million.

Wargeyska “Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in imaatinka Emre Can ee kooxda Juventus ay yareeneyso fursada uu Stefano Sturaro ka heli doono shaxda tababare Massimiliano Allegri.

Wakiilka laacibkan ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidiga uu dalaalka ka yahay ee Stefano Sturaro uu yaboohyo kala duwan ka helayo kooxaha ka dhisan horyaalka Premier League.

Kooxaha Leicester City iyo West Ham United ayaa si aad ah u xiiseenaya in ay shaqaaleysiiyaan Stefano Sturaro xili ciyaareedka soo aadan hadii uu kas dhaqaaqo Juventus.

Juventus ayaan wax dood ah ka qabi doonin hadii uu Stefano Sturaro doonayo inuu ka dhaqaaqo suuqan xagaaga, waxayna go’aamiyeen inay ku fasaxayaan qiimo dhan 17.9 million pounds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close