Paul Pogba oo ku war galiyay kooxda Manchester United kooxda uu doonayo inuu u dhaqaaqo

(Manchester) 24 Luulyo 2018. Xidiga khadka dhexe reer France Paul Pogba ayaa kusii dhawaanayaa inuu go’aan kama dambeys ah uu ka gaaro mustaqbalkiisa ee kooxda Manchester United.

Sida laga soo xiganayo wargeyska “Toto Sport” ee dalka talyaaniga Pogba ayaa ku wargaliyay saraakiisha kooxda Red Devils inuu doonayo dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Juventus.

Dhamaan xidiga kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa wada olole ku aadan in Pogba uu markale dib ugu soo laabto kooxda Bianconeri, gaar ahaan kadib imaatinka Cristiano Ronaldo.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in laacibka reer France uusan ku faraxsaneen joogistiisa garoonka Old Trafford, maadaama uu kooxda ku sugan yahay Jose Mourinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close