Jose Mourinho oo niyad jab ku riday jamaahiirta kooxda Manchester United kahor kulanka AC Milan

(Manchester) 24 Luulyo 2018. Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa diiday inuu ka jawaabo su’aal ahayd in kooxda Manchester United ay diyaar u tahay inay u tartanto horyaalka Premier League.

Kahor kulanka saaxiibtinimo ay Manchester United la ciyaari doono kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayuu Jose Mourinho la hadlay saxaafada.

“Waan ku faraxsanahay kulamada iyo horumarka, lakiin ma haysto ciyaartoyda aan doonayo”.

Intaas kadib Jose Mourinho ayaa ka hadlay saxiixiisa cusub Fred ee ah badalka Michael Carrick.

“Way adag tahay in la helo badalka Michael Carrick, Carrick waa Carrick oo kaliya”.

“Fred waa ciyaaryahan taatiki ah, koox ay ku sugan yihiin xidigaha sida Pogba, Matic, Marouane Fellaini, Ander Herrera, waxaan sidoo kale uga baahanahay xidigaha Fred iyo Andreas Pereira, kuwaasoo si fiican kaga ciyaari kara meelo adag ee khadka dhexe iyo weerarka ah”.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay su’aal ah in kooxda Manchester United ay diyaar u tahay xili ciyaareedka cusub inay u dagaalami karto horyaalka Premier League wuxuuna kaga jawaabay

“Kama jawaabi doono su’aashan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close