Jadwalka La Liga ee 2018-2019 oo la soo saaray (Ogoow kulamada furitaanka iyo waqtiga la ciyaarayo labada lug ee El-Clasico)

(Madrid) 24 Luulyo 2018 Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa soo saaray jadwalka horyaalka La Liga ee xiliciyaareedka 2018-2019.

La Liga ayaa furmaya 19-ka August ee sanadkaan, Barcelona oo difaacanaysa koobka ayaa la ciyaaraysa kulanka ugu horeeya kooxda Deportivo Alaves kulankaas ayaa lagu ciyaarayaa Camp Nou.

Kulanka ugu danbeeya ayeey Barcelona ku soo xiri doontaa isla garoonkeeda Camp Nou bisha May ee 2019 kulan ay la ciyaari doonto Eibar.

Real Madrid ayaa kulanka furitaanka la ciyaaraysa Getafe, kulankaas ayaana lagu ciyaari doonaa Santiago Bernabeu.

Halka kulanka xiritaanka xiliciyaareedka 2018-2019 ee La Liga ay ku soo afjari doonto Real Madrid garoonkeeda oo ay kula ciyaarayso kooxda Real Betis.

Kulanka ugu muhiimsan La Liga ee El-Clasico ayaa la ciyaari doonaa lugtiisa hore 28-October 2018, kulankaas ayaana ka dhici doona Camp Nou.

Kulanka lugta labaad ee El-Clasico ayaa lagu ciyaari doonaa Bernabeu 3-March 2019.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close