Diego Maradona oo si xoogan u dhaleeceeyay halyayga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Javier Zanetti

(Argantina) 24 Luulyo 2018. Halyeeyga reer Argentina Diego Maradona ayaa dhaleeceeyay hab dhaqanka  ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin Javier Zanetti kadib Koobkii Aduunka 2018.

Javier Zanetti oo lagu tiriyo inuu yahay astaanta kooxda Inter Milan ayaa ahaa xidiga ugu safashada badnaa taariikhda xulka qaranka Argantina ilaa iyo uu ka jabiyay rikoorkan Javier Mascherano koobkii aduunka 2018 kadib markii uu saftay 143 kulan.

Ereryada Maradona ee dhaleeceynta ayaa waxay imaanayaan, kadib markii Javier Zanetti uu caawiyay xiriirka kubada cagta dalka Argantina, xili uu xulka Tango kusoo bamdhigay qaab ciyaareed liita koobka aduunka 2018 ee dalka Russia.

“Mar walba wuxuu codsi ka dhigaa wax walba, ma jecli go’aamadan oo kale”… waa erayadii Maradona ee ku saabsanaa Zanetti.

“Hadii ay u baahan yihiin madaxweynaha Inter, wuxuu noqon doonaa musharaxa ugu horeeya, tababaraha jimicsiga ayaa jira, waxaan u baahanahay ciyaaryahan aan kursiga keydka fadhin doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close