ARAG: Dalka Turkiga oo qaaday Talaabo CAJIIB ah ay ugu hiilinayaan Ozil kaddib markii uu iska Casilay xulka Jarmalka….+SAWIRRO

(Devrek) 24 Luulyo 2018. Dalka Turkiga ayaa qaaday Talaabo Cajiib ah oo lagu taageerayo Mesut Ozil kaddib markii uu ka dhawaajiyay inuu iska casilay xulka qaranka Jarmalka.

Laacibka Arsenal ayaa sheegay in lagula kacay Isir Faqooq iyo waliba xushmad darro.

Waxyaabaha ugu badan ee loo aaneynayo inuu isku casilay Ozil ayaa ah eedeymihii xooganaa ee kaga yimid Jarmalka kaddib Sawirkii uu la galay Madaxwayanaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wado loogu magac daray Ozil oo ku taala Degmada Devrek ee Gobolka Zonguldak ee Woqooyiga Turkiga, halkaa ay ka soo jeedaan asalka reerkiisa ayaa laga badelay Sawirkii ku dhaganaa sida uu warinayo Hurriyet Daily News.

Waxaa markii hore Wadada saarnaa Sawirka Ozil oo xiran maaliyada xulka Jarmalka maadaama uu ku hogaamiyay koobkii adduunka ee 2014. Balse iminka waa la badelay Sawirkaa kaddib markii uu si niyad jab leh isaga casilay u ciyaarista Jarmalka.

Waxaa lagu badelay Sawirkii ay iskula jireen Madaxwaynaha Turkiga ee Erdogan.

Duqa Magaalada ee Mustafa Semerci ayaa xaqiijiyay in la badelayo sawirka Ozil uu xirnaa maaliyada xulka Jarmalka isla markaana lagu badelayo midka uu sito Arsenal oo uu la sawiran yahay Recep Tayyip Erdogan.

SAWIRRO:

The main street in the Devrek district of Zonguldak has been named in honour of Mesut Ozil

A signpost depicted the 29-year-old Arsenal star wearing German national team training kit

However, the town moved to replace that picture with one of Ozil and the Turkish president

The placard was altered in support of German-born Ozil, whose family are from the area

The work was carried out on Tuesday, with the billboard also featuring a small Turkish flag

The new sign featuring Ozil and Recep Tayyip Erdogan sits above the old discarded version

Gool FM.  

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close