AFAR farqi ee u dhexeeya saxiixa cusub kooxda Barcelona Malcolm iyo xidiga Chelsea ee Willian Borges

(Barcelona) 24 Luulyo 2018. Wageyska “Marca” ee dalka Spain ayaa diyaariyey warbixin ku saabsan farqiga u dhexeeya saxiixa cusub ee kooxda Barcelona Malcolm iyo xidiga kooxda Chelsea Willian Borges.

Laacibka reer Brazil ee Willian Borges ayaa xiliyadii lasoo dhaafay waxaa si xoogan lala xiriirinayay ku biirista kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Malcolm kaasoo kaga soo biiray kooxda Bordeaux ee dalka Faransiiska aduun dhan 41 million euros lagu daray hal million euros  ee ah lacagaha kala wareejinta.

Hadaba wageyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu daabacay farqiga u dhaxeeya saxiixa cusub kooxda Barcelona Malcolm iyo xidiga bar-tilmaameedka u ahaa ee Willian

1 da’ada: 21 jir iyo 30 jir:

Malcolm ayaa haatan jira da’aada 21-aad, wuxuuna buuxiyay bishii February ee lasoo dhaafay, halka Willian uu isna bishii August ee lasoo dhaafay jirsaday 30 jir.

2- Waxqabadka deg-dega ah:

Inkastoo Malcolm uu yimid Camp Nou ka dib seddex sano guulo ah oo uu kuoo gaaray horyaalka Ligue 1, hadana waxaa cad mid u baahan inuu helo waqti ku filan uuu kula qabsan karo La Liga.

Halka Willian oo qibrad wanaagan ka heysta kubada cagta Yurub iyo Premier League ay macnaheedu tahay inuu si fiican u ciyaari lahaa kooxda Barcelona tan iyo daqiiqadihii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga.

3 – Muuqaal isku mid ah laakiin leh kala duwanaansho yar:

Malcolm wuxuu leeyahay xirfrad cajiib ah laakiin leh heer gooldhalineed aad u sareysa, 21 jirkan ayaa ka dhaliyay horyaalka Ligue 1 xili ciyareedkii lasoo dhaafay 12 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 7 gool kale, waana in ka badan marka loo fiiriyo Willian.

  1. Qiimaha iyo mushaarka:

Barcelona ma aysan awoodi lahayn inay kula soo saxiixato Willian 60 milyan oo euros, maadaama uu ka tirsan koox weyn sida Chelsea oo kale, taas badalkeeda Barca ayaa kula soo saxiixatay Malcolm aduun dhan 40 million euros, iyo xili sidoo kale mushaarka xoogan uu Willian ku qaato kooxda Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close