Waxay ahaayeen 15-Ruux oo ay Doon la QUUSTAY, iyagoo Halis ku jira ayaa waxaa meel uga soo baxay Laacib ka tirsanaa Real Madrid

(Aveiro) 23 Luulyo 2018. 15 Kaluumeysato ah ayaa waxaa la quusay doonidii ay saarnaayeen iyagoo jooga meel xeebta u jirta 11 Mile magaalada Aveir ee dalka Portugal.

Dooni lagu Magacaabo  ‘Victoria Coentrao’  uu leeyahay Daaficii hore ee Real Madrid iyo xulka Portugal  Fabio Coentrao ayaa meel uga soo baxday oo soo bad baadisay.

Gabar uu dhalay Coentrao ayaa ka jawaabtay Wicitaan ka yimid dhanka Kaluumeysatadii argagaxsaneyd inta aysan la quusin doonidoodii.

Sida uu warinayo Correio da Manha, Doonida ‘Victoria Coentrao’  ayaa feejignaan ka heshay Kaluumeysatadii wadatay doonida dhirirkeedu yahay 21-metre ee lagu Magacaabo  ‘Cristo e Companheiro’ isla markii ay bilowday inay quusto.

Tokeo la picha la 21-metre vessel

Kaluumeysatada ayaa baxsaday doonida yar ee bad baadada ka hor inta aysan soo gaarin oo aysan soo bad baadin doonidii Fabio Coentrao oo meesha ka dhaweyd.

Ma jiraan mid ka mid ah Kaluumeysatada oo u baahday wax daweyn ah kaddib markii la soo bad baadiyay oo way wada bad qabeen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close