Paul Pogba oo doonaya inuu dib ugu laabto kooxda Juventus sababa la xiriira Cristiano Ronaldo

(Manchester) 23 Luulyo 2018. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba uusan diidi doonin dib ugu laabashada kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Paul Pogba ayay waxay wararka xaqiijinayaan kadib marka uu xulkiisa qaranka France kula guuleystay koobka aduunka 2018 uu doonayo inuu ka fogaado dhibaatooyinka macalinka reer Portugal ee kooxda Manchester United  Jose Mourinho.

Sida laga soo xigtay wargeyskan Pogba ayaa xiiseenaya in Juventus uu kula saaxiibo Cristiano Ronaldo, wuxuuna ilaa iyo haatan aaminsan yahay in waayihiisa kooxda Juventus uu ahaa xiligii ugu fiicnaa xirfadiisa kubada cagta.

Wakiilka Pogba ee Mino Raiola ayaa la fahansan yahay in laacibka uu dalaalka ka yahay uu u raadiyo koox cusub uu kaga bixi karo dhibaatada ku heysata Manchester United, maadaama xiriir wanaaagsan uusan kala dhexeenin Mourinho.

Jose Mourinho ayaa dhowr kulan kursiga keydka dhigay Pogba xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, waana sababta uu u xumaaday xiriirka ka dhexeeya labadan nin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close