“Musuqmaasuq”…Diego Maradona oo dib u weeraray xiriirka kubada cagta dalka Argantina

(Argantina) 22 Luulyo 2018. Diego Maradona ayaa bilaabay inuu markale dib u weeraro xiriirka kubada cagta dalka Argantina, kadib musiibadii ay kala kulmeen koobka aduunka 2018.

Halyayga kubada cagta dalka Argantina ayaa ku tilmaamay mas’uuliyiinta xiriirka Tango kuwo musiibo ah ee Musuqmaasuq badan, isagoo ku baaqay in markale dib loo dhiso xiriirka kubada cagta ee cusub.

Maradona ayaa ka fogaaday inuu doonayo inuu noqdo badalka Jorge Sampaioli si uu markale u leeliyo xulka qaranka Argantina, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in la xaliyo dhibaatida taagan iyo hoos u dhaca ku yimid xul qaranka Argantina.

“Dhismaha guriga waa inuu ku bilaabo aasaaska, laakiin guriga kubada cagta wuxuu noqday mid musiibo ah, sidaas darteed waxaa muhiim ah in dib markale loo dhiso”.

Maradona ayaa la weydiiyay inuu doonayo in markale uu diyaar u yahay qabashada xulka qaranka Argantina, kadib marka uu baxo Jorge Sampaioli.

“Maya, maya, maya, kama hadlayo tababarka, waxaan ka hadlayaa saraakiisha kuwaas ka war qaba waxa ay sameynayaan, dhab ahaantii waa kuwo Musuqmaasuq badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close