Mid kamid ah ciyaartoyda ugu wayn Chelsea oo dalbaday in la fasaxo xaggaagan

(London) 23 Luulyo 2018 Kooxda Chelsea ayaa wajahaysa dhabar jab kadib markii mid kamid ah xiddigaha ugu wayn kooxda uu codsaday in la fasaxo.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in xiddiga reer Brazil ee Willian uu codsaday in la fasaxo suuqa xaggaagan.

Image result for Willian Hazard

Wakiilada laacibka ayaa xiriir joogto ah la sameeya Barcelona, waxayna ku wargaiyeen maamulka Barca in laacibku uu gaarsiiyay maamulka Chelsea fariin uu ku codsanayo in loo fasaxo ku biirida Barcelona.

Willian ayaa haatan ku jira fasaxa xaggaaga kadib markii uu xulkiisa kala qayb qaatay koobka adduunka, wuxuuna sugayaa in howshiisa la dhameeyo ka hor inta uusan ku soo laaban tababarka Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close