Manchester United oo xiiseeneysa in ay afduubato bar-tilmaameedka koowaad ee kooxda Barcelona

(Manchester) 23 Luulyo 2018. Chelsea ayaa qarka u saaran inay aqbasho dalabyada kaga imaanaya kooxda Barcelona kaasoo ay ku dooneyso saxiixa xidiga reer Brazil iyo kooxda Chelsea Willian.

Laakiin kooxda reer England ee Manchester United ayaa qeyb kasoo noqotay loolanka waxayna dooneysaa in ay Barcelona ka dul qaado saxiixa xidiga kooxda Chelsea.

Wargeyska “Daily Mail” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Red Divils ay diyaar la yihiin bixinta aduun dhan 65 million pounds si ay u helaan adeega laacibkan.

José Mourinho ayaa si xoogan u daneenaya in markale uu la shaqeeyo Willian maadaama uu la dhacsan yahay awoodiisa ciyaareed.

Manchester United ayaa ka dagaalameysa in laacibka reer Brazil ee Willian uu ka dhaqaaqo horyaalka Premier league, si uu ugu biiro horyaalka La Liga gaar ahaan kooxda Barcelona.

Laakiin saraakiisha Blues ayaa lasoo warinayaa in aysan diyaar u ahayn in laacibkoodan ay ka iibiyaan kooxda Manchester United, ama koox kale ee ka ciyaarta horyaalka Premier league, taasoo u fududeyn karta Barcelona in ay si sahlan ku hesho adeega laacibkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close