Jorginho oo isbadalkiisa la yimid Chelsea! (45-daqiiqo oo kaliya ayuu ciyaaray laakiin wuxuu sameeyay …..)!

(London) 23 Luulyo 2018 Taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa si wayn ula dhacay durba laacibka ku cusub kooxda ee Jorginho.

Chelsea ayaa la ciyaartay galabta kooxda Perth Glory ee dalka Australia, waxayna uga adkaatay hal gool oo uu u dhaliyay Pedro Rodriguez.

Jorginho ayaa ka soo muuqday kulankiisii ugu horeeyay isaga oo xiran funaanada kooxda Chelsea, wuxuuna ciyaaray 45-daqiiqo.

Laacibka ayaa kubadda taabtay 101-jeer, wuxuuna sameeyay 98-baas oo dhamaystiran, taas oo ka dhigan in 27-ilbiriqsi walba oo uu ciyaaray inuu samaynayay baas dhamaystiran.

Marka la isku daro falsafada tababare Sarri iyo qaab ciyaareedka Jorginho taageerayaasha Chelsea ayaa filan kara qaab ciyaareed ka duwan kii hore looga bartay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close