Chelsea oo ka Go’an tahay inay CIQAABTO Tababarihii ay Ceyrisay ee Conte….(Sabab YAAB leh oo lagu heysto)

(London) 23 Luulyo 2018. Naadiga Chelsea ayaa aad u dooneysa inay Ciqaabto tababarihii ay dhawaan xilka ka qaaday ee Antonio Conte Sabab la xiriirta dhaliyiheedii hore ee Diego Costa.

Qorshaha ayaa ahaa in Blues ay Macallinka reer Talyaani jeebka ugu shubto adduun dhan 9 milyan oo bound kaddib markii ay bur buriyeen qandaraaskiisa.

Balse kooxda ka arrimisa Stamford Bridge ayaa iminka dooneysa inay qeyb uun ka siiso lacagahaas inta kalena ay Ciqaab ahaan uga jarato sababo la xiriira Dieog Costa.

Conte ayaa lagu heystaa Fariintii uu u diray Diego Costa oo u dhaceysay sidan:

Tokeo la picha la Antonio Conte Masege to Deigo Costa

“Hi Diego, Mahadsanid, Laakiin kuma jirtid Qorshaheyga.”

Dhaliyaha reer Spain ayaa markii ay soo gaartay Fariinta gadooday isagoona diiday inuu dib ugu soo laabto Chelsea, waxaana markii dambe laga iibiyay kooxda Atletico Madrid.

The Times ayaana qoreysa in sababtaas darteed ay Blues dooneyso inay lacago ka jarato Conte maadaama uu dhaafiyay weeraryahan wax badan tarayay kooxda.

Gool FM.    

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close