Waqtiga rasmiga ah ee la ciyaarayo Super Cup-ka Spain oo la shaaciyay (Afrika ayaa lagu ciyaarayaa markii ugu horaysay)

(Tangier) 22 Luulyo 2018 Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay waqtiga la ciyaarayo iyo goobta lagu ciyaarayo Super Cup-ka Spain.

Koobka oo markii hore ahaa labo lug laguna ciyaari jiray isla gudaha Spain ayaa sanadkaan labadalay, waxaana la go’aansaday in laga dhigo hal kulan isla markaana lagu ciyaaro meel ka baxsan Spain.

Waxaa la go’aamiyay in kulanka laga dhigo hal lug isla markaana lagu ciyaaro dalka Morocco gaar ahaan magaalada Tangier 12-ka August.

Kulankaan oo ah midka sanad walba lagu furo xiliciyaareedka horyaalka Spain waxaa sanadkaan wada ciyaaraya kooxaha Barcelona iyo Sevilla.

Kulankaan ayaa laga daawan doonaa bariga Afrika 11-ka habeenimo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close