Massimiliano Allegri oo ku dhawaaqay xidigaha uu ula safri doono dalka Mareykanka iyo Cristiano Ronaldo…..

(Juventus) 22 Luulyo 2018. Xidiga kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulankiisii ugu horeeya uu  ka hor imaan lahaa hoxdiisii hore ee Real Madrid.

Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda u safri doona dalka Mareykanka ee kulamada diyaargarowga xilli ciyaareedka cusub.

Cristiano Ronaldo ayaan ku soo bixin liiska xidigaha uu ku dhawaaqay Massimiliano Allegri ee kooxda Juventus, maadaama uu dib ugu soo laabanayo tababarka kooxda Bianconeri 30 bishan July.

Ciyaartoyda kale ee liiska Juventus ka maqan ayaa waxaa ka mid ah sida labada ciyaaryahan ee reer Argantina ee Paulo Dybala iyo Gonzalo Higuain, sidoo kale xidiga reer Colombia Juan Cuadrado.

Ronaldo ayaa seegi doona kulanka Juventus iyo Real Madrid ee 4-ta August, kaasoo ka dhici doono Washington kana tirsan tartanka ICC Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close