“Marka aad haysato ciyaartoy sida Martial, Rashford, Lingard, Juan Mata iyo Sanchez, waxaad sameyn kartaa xilli ciyaareed gaar ah”

(Manchester) 22 Luulyo 2018. Ander Herrera ayaa sheegay in Anthony Martial uu ka mid noqon karo ciyaartoyda ugu fiican caalamka, maadaama tayadiisa ciyaareed ay tahay mid heer sare ah.

Anthony Martial ayaa waayo wanaagsan ku heysan kooxda Manchester United waxaana xili kasta lala xiriiriryaa inuu ka dhaqaaqi karo Red Devils.

Jose Mourinho ayaanan ku qancin qaab ciyaareedka laacibka reer France, kadib markii uu fursad siiyay 6 kulan oo kaliya xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Laakiin khadka dhexe reer Spain ee Anthony Martial ayaa markan garab istaag weyn u sameeyay saaxiibkiis Anthony Martial wuxuuna sheegay inuu ka mid noqon karo xidigaha ugu fiican aduunka.

“Martial Waa ciyaaryahan fiican, wuxuu noqon karaa kan ugu wanaagsan, wuxuu sameyn karaa bandhig fiican xili ciyaareedka cusub”.

“Marka aad haysato ciyaartoy sida Martial, Rashford, Lingard, Mata iyo Sanchez, waxaad dooneysaa inaad sameyso xilli ciyaareed fiican”.

“Ma Filayo in kooxaha kale ee horyaalka Premier League ay heystaan ciyaartoy ka tayo wanaagsan kooxda Manchester United, ugu yaraan waxay heystaan kuwa aan heysano oo kale”.

Kooxda Manchester United ayaa Anthony Martial kagala soo wareegtay kooxd Monaco sanadii 2015 aduun dhan 60 million euros, laakiin xidiga ayaan ka helin Old Trafford fursad ku filan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close