Alison Becker oo ka warbixiyay sirta ka dambeysa inuu ogolaado dalabka kooxda Liverpool

(Liverpool) 22 Luulyo 2018. Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Alison Becker ayaa sheegay doorka uu ku laha xidiga kooxda Reds go’aankii uu ku qaatay inuu yimaado garoonka Anfield.

Alison Becker ayaa wareysi xiiso badan uu ku bixiyay wargeyska “Calcio Mercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay in go’aanka uu ku yimid kooxda Liverpool uusan ahayn mid sahlan.

“Ma ahayn wax sahlan in la sameeyo go’aan noocan oo kale ah, waxaan si fiican ugu noolaa Roma, waxaana ku lahaa saaxiibo badan”.

“Roberto Firmino wuxuu ahaa furaha imaatinkeyga Anfield, waxaan la hadlay isaga, wuxuuna ii sheegay inaan ku farxi doono Liverpool hadii aan u dhaqaaqo”.

Alison Becker ayaa Liverpool kaga soo biiray Roma, isagoo heshiis rikoor ah oo gaaraya 75 milyan euro, taasoo ka dhigtay inuu noqdo goolhaayihii ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta aduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close