Yerry Mina oo go’aamiyay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona

(Barcelona) 21 Luulyo 2018. Yerry Mina ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu doonayo sii joogi taanka kooxdiisa Barcelona xili ciyaareedka soo aadan halka uu kaga dhaqaaqi lahaa kooxo kale ee cusub.

Yerry Mina ayaa ku biiray kooxda Barcelona bishii Janaayo laakiin waxaa dhowaan lala xiriirinayay inuu kooxda ka tagayo inta lagu jiro suuqan xagaagan.

Laakiin Yerry Mina ayaa kasoo muuqda kooxda Barcelona kaliya 6 kulan, halka sidoo kale ay adag tahay inuu boos joogta ah ka helo sababa la xidhiidhan in ay Barca kala soo saxiixatay Clément Lenglet kooxda Sevilla.

23 jirkan ayaa sheegay inuu kala cadeeyn doono shakiga ku jiro mustaqbalkiisa garoonka Cump Nou, isagoo sheegay inuu go’aan kama dambeys ah ka gaarayo ka dib fasaxiisa xagaaga.

“Waxaan heystaa dalabyo badan, laakiin waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Barcelona”.

“Haatan waxaan ku raaxeesanayaa fasaxeyga, marka waqtiga la gaaro waxaan go’aan la gaari doonaa qoyskeyga waxaana wada qaadan doonaa waxa ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close