Xavi Hernandez oo sheegay waqtiga uu ka fariisanaya kubadda cagta

(Doha) 21 Luulyo 2018 Laacibka kooxda Al-Sadd ee horyaalka Qatar ee Xavi Hernandez ayaa ka hadlay waqtiga uu ka fariisanayo kubadda cagta.

Xavi ayaa sheegay inuu xaaladiisa dib u eegi doono bisha December ee sanadkaan si uu u kala hubiyo inuu sii ciyaari karo iyo inkale.

Wuxuuna intaa ku daray in haddii uu dareemo in xaaladiisu ay fiican tahay inuu sii ciyaari doono ilaa xaggaaga 2019, balse haddii uusan dareemin wuxuu cadeeyay inuu ka fariisanayo bisha December.

“Si dhibaato la’aan ah ayaan u qaataa tababarka, waxaan u ciyaaraa koox cajiib ah, bisha December haddii aan dareemo dhibaato waan ka fariisanayaa kubadda cagta” ayuu yiri Xavi.

“Laakiin haddii aan dareemo in xaaladaydu ay fiican tahay waan sii ciyaarayaa ilaa xaggaaga dambe”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close