“Leroy Sané wuxuu heystaa xili ciyaareed cusub uu kusii hormarin karo awoodiisa ciyaareed”… Guardiola oo talooyin muhiim ah u diray Sané

(Man City) 21 Luulyo 2018. Pep Guardiola ayaa ka codsaday Leroy Sané inuu ka gudbo xaaladihii koobka aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo xidhay dalka Russia.

Leroy Sané ayaan nasiib u yeelan inuu qeyb ka noqdo koobka aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia, kadib markii uu ka saaray macalinka xulka qaranka Germany Joachim Löw liiskiisa.

Laakiin Guardiola oo shaqo badan ka sugaya laacibka reer Germany ee Leroy Sané ayaa kula taliyay inuu iska ilaawo waxyaabaha laga soo gudbay isla markaana uu horey fiiriyo.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay wax laga soo tagay haatan, Löw wuxu go’aansaday waxa u fiican kooxdiisa”.

“Sidaas darteed Leroy Sané waa inuu ogaadaa isla markaana uu soo dhaweeyaa, horeyna kaga sii socdaa, wax walba ee horey u soo dhacay”.

“Sané wuxuu heystaa fursad uu kusii hormarin karo qaab ciyaareedkiisa, waxaa sugaya xili ciyaareed cusub uu wax walba ku sameyn karo si uu markale u muujiyo awoodiisa ciyaareed”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close