Laacibkii watay magaca dalkeena Somalia oo la xaqiijiyay inuu ku biiray Al-Shabab!!

(Riyadh) 21 Luulyo 2018 Horyaalka Faransiiska ayaa si lama filaan ah loogu arkay laacib wata magaca Somalia kaas oo ku biiray kooxda Toulouse 2015.

29 jirkaan reer Brazil magaciisa oo dhamaystiran ayaa ah Wergiton do Rosario Calmon wuxuuna ku magac dheeryahay Somalia.

Kooxda Alshabab ee horyaalka Sucuudiga ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa Wergiton Somalia oo ay kala soo wareegtay kooxda Toulouse.

Laacibka ayaa tijaabada caafimaadka ku maraya dalka Slovenia halkaas oo haatan kooxdu ay joogto, halkaas ayuuna ku saxiixayaa heshiiska uu ugu biirayo kooxdiisa cusub ee AlShabab.

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close