Kooxda Roma oo ku fikireysa inay lasoo saxiixato goolhaayaha kooxda Arsenal Petr Čech

(Roma) 21 Luulyo 2018. Wargeyska “Sun”  ee dalka England ayaa wuxu shaaca ka qaaday in kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ee Roma ay xiiseeneyso inay lasoo saxiixato goolhaayaha kooxda Arsenal Petr Čech.

Macalinka kooxda Roma Eusebio Di Francesco ayaa wuxuu doonyaa in bar-tilmaameedkiisa koowaad ee suuqa xagaaga uu ka dhigto goolhaayaha kooxda Arsenal Petr Čech.

Eusebio Di Francesco ayaa doonaya in Petr Čech uu ka dhigto badalka Alison Baker oo dhawaan kaga biiray kooxda reer England ee Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay Alison Baker kal wareegtay Roma aduun dhan 72 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close