Karl-Heinz Rummenigge oo difaacay xidiga kooxda Arsenal Mesut Ozil

(Bayern) 21 Luulyo 2018. Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa difaacay xidiga reer Germany ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga ee Mesut Ozil.

Mesut Ozil ayaa xiliyadii lasoo dhaafay wuxuu weerar xoogan kala kulmay jamaahiirta iyo saxaafada dalka Germany, kadib markii ay xili hore macsalaameeyeen koobka aduunka 2018.

Qof walba ayay layaab ku noqotay kadib markii ay saxaafada dalka Germany ay ka dalbatay Mesut Ozil inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah, kadib bandhigii liitay uu kalasoo muuqday koobkii aduunka ee dalka Russia.

Xaalada adag ee Mesut Ozil ayaa timid kadib markii ay kulan la qaateen isaga iyo İlkay Gündoğan madaxweynaha dalka Turkiga ee Rajab Dayib Erdogaan.

Laakiin Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa qaba ra’ayi ka duwan dadka kale iyo saxaafada dalka Germany wuxuuna difaacay xidiga kooxda Gunnesrs.

“Si fiican looma shaqeynin, laakiin waxaan ka xumahay in Mesut Ozil sabab looga dhigo wax walba ee dhacay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close