Karim Benzema oo ku tilmaamay madaxweynaha kooxda Napoli mid waalan

(Real Madrid) 21 Luulyo 2018. Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa ka careysiiyay madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis.

Hadalka Karim Benzema ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii xiliyadii lasoo dhaafay Benzema iyo Angel de Maria lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonaan kooxda reer Talyaani ee Napoli.

madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ku jawaab celiyay mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada uu kula soo saxiixan karo de Maria iyo Benzema, wuuuna sheegay in kooxdiisa ay sameyn doonto kaliya saxiixyada xidigaha da’ayarta ah.

Hadaba Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain 30 jirka kooxda Real Madrid ee Benzema ayaa ka jawaab celiyay hadalka madaxweynaha kooxda Napoli De Laurentiis.

“Mid kaloo waalan ayaa liiska kusoo biiray”.

Xidiga ku guuleestay 4 jeer tartanka UEFA Champions League ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray.

“Nambarka 9-aad wuxuu kor u qaadayaa waalidooda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close