Kaddib Alisson oo ku biiray Kooxda Liverpool… (Arag SHAX laga sameeyay Xiddigihii ugu qaalisanaa kubbada cagta).. + SAWIRRO

(World) 21 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lacagihii ugu badnaa abid Taariikhda kubbada Cagta ee lagu soo iibsado Goolhaye oo 67 milyan oo bound kala soo baxday Alisson Becker ee shabaqa u ilaalin jiray kooxda AS Roma ee dalka Talyaaniga.

Kaddib saxiixa Reds ee Goolhayaha reer Brazil waxaan halkaan hoose ku eegeynaa Shax laga sameeyey xiddigihii ugu qaalisanaa kubadda cagta.

Xiddigahan ayaa isku darkoodu ku kacaya in ku dhow hal Bilyan oo gini, waana 992.56 milyan oo gini.

Xiddig waliba lacagaha lagula soo wareegay kooxda uu ka soo tagay iyo tan uu ku soo biiray halkaan hoose ka eeg:-

GOOLHAYE

 Alisson (oo ka soo tagay Roma kuna biiray Liverpool adduun dhan £65m)

DIFAAC

Benjamin Mendy (oo ka soo tagay AS Monaco kuna biiray Man City, adduun dhan £51.75m)

Virgil van Dijk (oo ka soo tagay Southampton kuna biiray Liverpool, adduun dhan £70.1m)

Aymeric Laporte (oo ka soo tagay Atletic Bilbao kuna biiray Man City, adduun dhan £58.5m)

Kyle Walker (oo ka soo tagay Tottenham kuna biiray Man City, adduun dhan £47.5m)

KHADKA DHEXE

Paul Pogba (oo ka soo tagay Juventus kuna biiray Man United, adduun dhan £94m)

Philippe Coutinho (oo ka soo tagay Liverpool kuna biiray Barcelona, adduun dhan £112.5m)

James Rodriguez (oo ka soo tagay AS Monaco kuna biiray Real Madrid, adduun dhan £67.5m)

WEERARKA

Neymar (oo ka soo tagay Barcelona kuna biiray PSG, adduun dhan £199.8m)

Cristiano Ronaldo (oo ka soo tagay Real Madrid kuna biiray Juventus, adduun dhan £105m)

Kylian Mbappe (oo ka soo tagay AS Monaco kuna biiray PSG, adduun dhan £121m)

SHAXDA UGU QAALISAN KUBADDA CAGTA OO DHAMMASYTIRAN:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close