Inter Milan oo ah kooxda ugu dhow ee ku guuleysan karta saxiixa Arturo Vidal

(Inter) 21 Luulyo 2018. Wargeyska Sport ayaa xaqiijisay in Inter Milan ay si aad ah ugu dhaqaaqday xiliyadii lasoo dhaafya soo qaadashada khadka dhexe xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal.

Arturo Vidal ayaa ku dhow inuu soo afjaro heshiiskiisa kooxda reer Germany ee Bayern Munich, kaasoo dhacaya dhamaadka xili ciyaareedka soo aadan.

Laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Chile ayaa wuxuu bilaaway dhageysiga dalabyada kaga imaanaya kooxaha daneenaya adeegiisa, hadii uu ka dhaqaaqo naadiga Bavarian-ka.

Inter Milan ayaa go’aansatay inay ku tijaabiso kooxda Bayern Munich dalabyo u dhexeeya 20-25 milyan oo euros si ay ugu dirto isbuucyada soo aadan.

Laakiin kooxda reer Germany ayay u badan tahay inay dalbato qiimo dhan 30 milyan oo euros. hadiiba ay fasaxeyso laacibkeedan.

Inter Milan ayaa dooneysay inay lasoo saxiixato khadka dhexe xulka qaranka Belgiam iyo kooxda Tottenham Hotspur Mousa Dembélé xiliyadii lasoo dhaafay.

Laakiin wadahadalada u dhexeeyay kooxaha Inyter Milan iyo Tottenham ayaa la joojiyay, sidaasi darteed Nerazzurri ayaa ka fakartay in raacdadeedan ay kaga faa’ideysato fursadaha kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close