Dani Alves oo difaacay saaxiibkiis kooxda PSG Neymar Jr

(PSG) 21 Luulyo 2018. Dani Alves ayaa wuxuu difaacay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Neymar Jr, kadib eedeymihii uu la kulmay, kadib dhaawacii kasoo gaaray dhanka canqawga.

Alves ayaa wareysi uu siiyay saxaafada wuxuu kaga hadlay dhaleeceena uu helayo saxaabkiis Neymar.

“Waxay ila tahay wax walba uu sameenayo Neymar inay isku badalaan in war laga sameeyo, dareen kasta ee dhankiisa ah waa midey ku dhaleeceenayaan”.

“Hadii uu midabka timahiisa badalo, sidoo kale waa midey ku dhaleeceenayaan”.

“Waxaan doonaayaa in shaqsiyaadkan aan ku arko dhanka Neymar”.

“Waa inaan diirada saarnaa waxyaabaha naga dhigi kara qaan gaar, isla markaana naga caawinaya inan noqono niman dhab ah, Kadib wax yaabaha kale waa wax iska caadi ah”.

“Waxaan rajeynayaa in qof kasta oo ka hadlaya Neymar uu sameyn karo waxyaabaha uu sameynayo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close