Arsenal oo soo saartay liiska xiddigaheeda Singapore kula soo ciyaaraya Atletico Madrid iyo PSG (Yaa qayb ka ah, Goorma ayaase la daawan doonaa kulamadaan?)

(London) 21 Luulyo 2018 Arsenal ayaa soo saartay liiska xiddigaheeda ku soo ciyaaraya Singapore dhamaadka isbuucaan iyo horaanta isbuuca soo socda.

Gunners ayaa Singapore kula soo ciyaaraysa kooxaha Atletico Madrid iyo PSG, kulamadaas ayaa ka tirsan koobka International Champions Cup.

Ozil, Elneny iyo Iwobi oo ku soo haray wareegii guruubyada ee koobka adduunka ayaa ku jira liiska, ciyaartoyda Arsenal ayaana London ka duulaya barri oo axad ah.

Our squad travelling to Singapore

Saxiixyada cusub ee Arsenal ee kala ah Bernd Leno, Sokratis iyo Matteo Guendouzi ayaa qayb ka ah liiska la soo saaray, sidoo kale Aubameyang iyo Lacazette ayaa qayb ka ah.

Arsenal ayaa khamiista la ciyaaraysa Atletico Madrid, Sabtiga xiga ayeey la ciyaaraysaa PSG, labadaan kulan ayaa laga daawan doonaa bariga Afrika 2:35 PM ee duhurnimo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close