Alberto Moreno oo si weyn u amaanay olalaha cusub ee kooxda Liverpool

(Liverpool) 21 Luulyo 2018. Xidiga reer Spain ee kooxda Liverpool Alberto Moreno ayaa ku amaanay Reds olalaha cusub ee ku aadan saxiixyada ay suuqan xagaaga ka sameeyeen.

Alberto Moreno ayaa si gaar ah u amaanay saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Naby Keïta, kaasoo suuqan xagaaga kaga soo dhaqaaqay kooxda horyaalka Bundesliga ee RB Leipzig.

“Kadib markii ay la soo saxiixatay Liverpool Naby Keïta, Xherdan Shaqiri iyo Fabinho, kooxda ayaa isugu diyaarineysa xilli ciyaareedka cusub iyadoo sameeneysa saxiixyada ciyaartoy aad u wanaagsan”.

“Qof walba waa ogyahay in Fabinho uu yahay ciyaaryahan khadka dhexe ah, iyo wixii aan kaga arkay Naby Keïta tababarka waa wax aan la rumeysan Karin”.

“Ma aanan arkin Xherdan Shaqiri laakiin qof walba waa ogyahay isaga wuu garanayaa awoodiisa iyo goolashiisa Premier League, waxaan qabaa in seddexda heshiisba ay wax badan kooxda ku kordhin doonaan xili ciyaareedka cusub”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close