SAWIRRO: Mohamed Salah oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Liverpool… (Yaa ku wehliyay?)

(Liverpool) 20 Luulyo 2018. Mohamed Salah ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Liverpool, isagoo u diyaar garoobaya xilli ciyaareedka cusub ee Premier League 2018/19.

Salah ayaa la siiyey fasax muddo ah si uu isku soo ilowsiiyo niyad jabkii ka soo gaaray Koobka Adduunka, waxaana sidoo kale uu ka soo kabsaday dhaawacii garabka ka soo gaaray Final-kii Champions League.

26-sano jirkaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay tababarka isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxaana tababarka ku wehliyey xiddigaha ay kuwada maqnaayeen Koobka Adduunka 2018 ee Sadio Mane iyo Marko Grujic.

Salah ayaa dhaliyey 44 gool kaliya 52 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee garoonka Anfield, waxaana goolashaas ku jira 32 gool oo uu ku qaaday gooldhalinta horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close