RASMI: Son Heung-min oo qandaraas cusub oo waa waqti dheer u saxiixay Tottenham Hotspur

(London) 20 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa ku dhawaaqday in heshiis cusub oo waqti dheer ah uu qalinka ugu duugay ciyaaryahankeeda Son Heung-min.

Son Heung-min ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyey kooxda Tottenham Hotspur waxaana uu u saxiixay heshiis shan sanadood ah.

26-sano jirkaan ayaa qalinka ugu duugay Spurs heshiis cusub oo ku eg illaa sanadka 2023-ka, isagoo waqti dheer oo dhan siddeed sanadood sii joogaya Waqooyiga Magaalada London.

Son ayaa Spurs kaga soo biiray kooxda Bayer Leverkusen sanadkii 2015-kii, waxaana tan iyo waqtigaas uu u dhaliyey 47 gool 140 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Kooxda Tottenham ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigay sawirka Son oo qandaraaska cusub u saxiixaya waxaana ay soo raacisay qoraal kooban oo u dhignaa: “Waxaan ku faraxsannahay inaan ku dhawaaqno in Son Heung-min uu kooxda u saxiixay heshiis cusub oo tixnaan doona illaa 2023-ka.”

Xiddigan reer South Korea ayaa xilli ciyaareed wacan ku qaatay kooxda xilli ciyaareedkii hore waxaana uu dhaliyey 18 gool isagoo caawiyey 11 gool oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close