Halyayga reer Brazil Ronaldo oo amaanay awooda ciyaareed laacibka cusub ee kooxda Real Madrid Venecius Jr

(Madrid) 20 Luulyo 2018. Laacibkii hore xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa si weyn u amaanay awooda ciyaareed ee xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Real Madrid Venecius Jr.

Real Madrid ayaa u soo bandhigtay laacibkeeda cusub ee reer Brazil Vinícius Júnior saxaafada, kadib markii uu kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee Flamengo.

Ronaldo oo qeyb ka ahaa shirka jaraa’id lag soo bandhigiyay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Venecius Jr ayaa wuxuu kala hadlay saxaafada sida uu ula dhacsan yahay awooda ciyaareed ee laacibkan.

“Waa ciyaaryahan tayo sarre leh, waa ciyaaryahan weyn, waa rajada ugu weyn ee kubada cagta dalka Brazil ah”

“Wuxuu yimid koox cajiib ah, waxaan ku qaatay halkan waqtigii ugu fiicnaa nolosheyda kubbadda cagta, waxaan awooday inaan ku guuleysto waxyaabaha ugu muhiimsan ee kubada cagta”.

“Waxaa suuragal ah in in marka hore ay adkaato, laakiin halkan meesha waa halka ugu fiican ee laga ciyaari karo, waxaan u rajeenayaa inuu ka gudbi doono dhamaan caqabadaha ka hor yimaada”.

“Waxaan halkan u joognaa inaan ku siino wax walba ee kaa dhiman iyo wax walba aad u baahan tahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close