Willian oo qalbi jab ku riday macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri, kadib markii uu go’aankan gaaray

(Chelsea) 19 Luulyo 2018. Sida ay shaaca ka qaadeen saxaafada dalka Spain xidiga Wilian ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxda Chelsea suuqan xagaaga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Wilian u ka dhaqaaqi doono Blues suuqan xagaaga, inkastoo uu macalinka cusub ee kooxda Maurizio Sarri uu doonayo inuu kusii sugnaado garoonka Stamford Bridge.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Maurizio Sarri uu ka dalbaday Wilian inuu tababarka qeyb ka noqdo mudo isbuuc ah kahor inta uusan go’aan rasmi ah gaarin.

Laakiin sida ay wararku xaqiijinayaan Wilian ayaa go’aankiisa waxba ka badalin wuxuuna ku adkeestay inuu ka dhaqaaqo kooxda Blues si uu ugu biiro Barcelona.

Laacibka reer Brazil ayaa lala xiriirinayaa u dhaqaaqista kooxda Barcelona, xili sidoo kale loolanka ay qeyb ka tahay Man United.

Wilian ayaa aamisan in waayihiisa kooxda Chelsea uu soo idlaaday kadib mudo dhan 5 xili ciyaareed uu ku qaatay, sidaas darteed wuxuu doonayaa inuu ka dhaqaaqo.

Wargeyska ayaa kusoo soo gabgabeeyay in Chelsea ay ku dooneyso aduun dhan 80 milyan oo euros hadiiba ay fasaxeyso Willian, kooxda ugu dhow uu u dhaqaaqi karo ayaana ah Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close