Shaqsigii jabsaday Twitter-ka James Rodriguez oo lagu xukumay 6-sano oo xabsi ah!

(Bogota) 19 Luulyo 2018 Maxkamad ku taala Colombia ayaa xabsi 6-sano ah ku xukuntay shaqsi jabsaday Twitter-ka James Rodriguez sanadkii 2016.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa la qabtay bishii April ee sanadkaan kadib baaritaan qaatay labo sano oo lagu daba joogay.

Wuxuu ku taqasusay cilmiga loo yaqaan International trade, bishii March ee 2016 ayuu jabsaday Twitter-ka James oo waqtigaas u ciyaarayay kooxda Real Madrid.

Wuxuu wadahadal la galay shirkado xayaysiin oo doonayay xayaysiinta James Rodriguez, sidoo kale wuxuu saaxiib ka dhigtay ilaa 40 qof oo uusan aqoon u lahayn James.

Waxyaabaha kale ee xad gudubka ah ee lagu eedeeyay ayaa ah inuu la xiriiray xiddigo badan oo caanka ah adduunka isaga oo iska dhigaya James si uu u helo xogtooda.

Sidoo kale wuxuu isku dayay inuu jabsado Twitter-ka Radamel Falcao iyo midka Juan Quintero.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close