Bayern Munich oo gacanta ku dhigtay mid kamid ah xiddigihii France la qaaday koobka adduunka

(Munich) 19 Luulyo 2018 Bayern Munich ayaa gacanta ku dhigtay mid kamid ah xiddigihii xulka France la qaaday koobkii adduunka.

Wargayska SWR ayaa daaha ka qaaday in Bayern Munich ay heshiis la gaartay daafaca Stuttgart ee Benjamin Pavard kaas oo qayb ka ahaa ciyaartoydii xulka France ka caawiyay ku guulaysiga koobka adduunka.

Image result for pavard Munich

Bayern Munich ayaa ku soo afjartay saxiixa 22 jirkaan lacag dhan 35 milyan oo euro, wuxuuna si rasmi ah ugu biirayaa kooxdiisa cusub bisha Janaayo ee 2019.

Laakiin waxaa jira warar sheegaya in maamulka Bayern Munich ay doonayaan in laacibku uu isla xaggaagan ka mid noqdo safkooda.

Bayern iyo Stuttgart waxaa haatan u socda wadahadal ku aadan saxiixa Benjamin Pavard, maalmaha soo socda ayaana la filayaa Bayern Munich ay hormar ka samayso saxiixa daafaca reer France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close