Barcelona oo go’aamisay qiimaha ay ku iibineyso goolhaaye Jasper Cillessen

(Barcelona) 19 Luulyo 2018. Kooxda Barcelona ayaa waxay go’aamisay qiimaha ay kaga fasixi doonto goolhaayaheeda Jasper Cillessen, kaasoo lala xiriirinayo inuu ka dhaqaaqi doono Cump Nou.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa sheegay in Barcelona ay ku dooneyso inay ku fasaxdo Jasper Cillessen qiimo dhan 30 million euros.

Kooxda Barcelona ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka laacibkeedan labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ay u adeegsatay kulamada Copa del Rey.

Laakiin goolhaayaha reer Holand ee Jasper Cillessen ayaa doonaya inuu helo fursad intaas kasii badan inuu ka helo kooxda Barcelona.

Kooxaha Chelsea iyo Roma ayaa si weyn u xiiseenaya inay gacanta ku dhigaan saxiixa Cillessen, gaar ahaa xili ay doonayaan in ay ka dgtaan badalada Thibaut Courtois iyo Alisson Becker.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close