Alisson Becker oo ka gudbay tijaabada caafimaadka iyo Liverpool oo ku dhawaaqaysa saxiixiisa

(Liverpool) 19 Luulyo 2018 Goolhayaha kooxda Roma ee Alisson Becker ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka ee kooxda Liverpool.

Laacibka ayaa xalay gaaray magaalada Liverpool, maanta ayuuna maray tijaabada caafimaadka kadib markii lagu dhameeyay heshiiskiisa 75 milyan oo euro.

Wariyaha reer talyaani ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Alisson Becker uu ka gudbay tijaabada caafimaadka isla markaana uu saxiixay heshiiska uu ugu biirayo Liverpool.

Kooxda reer Ingiriis ayaa haatan la filayaa inay ku dhawaaqdo saxiixiisa saacadaha yar ee nagu soo aadan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close