“Waxaan rajeynayaa in Tite uu sii wadi doono Brazil ilaa iyo 2022″…. Ricardo Kaka

(Brazil) 18 Luulyo 2018. Ricardo Kaka ayaa sheegay inuu rajeynayo in tababaraha haatan ee xulka Seleção Tite uu sii joogo ilaa iyo koobka aduunka 2022.

Waxaa jiray warar ku aadan in macalinka xulka qaranka Brazil Tite uu ka tagi doono shaqada xulka qraanka Samba.

laakiin Ricardo Kaka ayaa Tilmaamay inuu aaminsan yahay in Tababare Tite uu sii leylin doono xulka Brazil ilaa iyo koobka aduunka 2022.

“Brazil waxay ku guuldareesatay inay u gudubto finalka koobka aduunka”.

“Waxaan qabanay shaqo wanaagsan inta uu tartanka socday, xitaa kulankii Belgium, laakiin nasiibka ayaa ina garab maray”

“Waxaan rajeynayaa in Tite uu sii wadi doono shaqada tababarka, waana hubaa inuu joogi doono ilaa iyo 2022”.

Si kastaba xulka Brazil ayaa ku haray wareega 8-da koobkii aduunka 2018, kadib markii ay guuldaro 2-0 ah kala kulmeen  dhigooda Belgium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close