Wakiilka Leonardo Bonocci oo wada hadalo la bilaaway kooxda Paris Saint-Germain

(PSG ) 18 Luulyo 2018Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in wakiilka Leonardo Bonocci uu wada hadalo la bilaaway Paris Saint-Germain.

Laakiin wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Leonardo Bonocci uusan wali go’aamin inuu joogayo kooxda AC Milan ama uu isaga dhaqaaqi doono.

Milan ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kala soo saxiixatay Leonardo Bonocci dhigeeda Juventus aduun dhan  42 million euros.

Paris Saint-Germain ayaa xiiseeneysa in Leonardo Bonocci ay la mideyso saaxiibkiis hore Gianluigi Buffon, laakiin kabtanka kooxda Milan ayaan wali wax go’aan ah ka gaarin mustaqablkiisa xili PSG ay wada hadalo la furatay wakiilkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close