Thiago Alcântara oo iska diiday ku biirista Real Madrid si uu ugu dhaqaaqo kooxdan

(Bayern) 18 Luulyo 2018. Wargeyska “Bild” ee dalka Germany ayaa wuxuu shaaca ka qaaday Thiago Alcantara uu ka codsaday maamulka kooxda Bayern Munich inay u ogolaadaan u dhaqaaqista Barcelona.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in khadka dhexe reer Spain uu iska diiday ku biirista kooxda Real Madrid, inkastoo  macalinka cusub ee Julen Lopetegui uu xiiseenayo laacibkan,

Bayern Munich ayaa la fahansan yahay in ay fasaxi doonto laacibka reer Spian ee Thiago Alcantara hadii ay ku hesho dalab rasmi ee macquul ah.

Kooxda reer Germany ayaa diyaar u ah inay ogolaato iibinta Thiago Alcantara hadii ay dhacdo in laga soo gudbiyo qiimo qaarsiisan 70 million euros.

Barcelona ayaa isku dayi doonta inay hoos u dhigto qiimaha ay laacibkan dul dhigtay Bayern Munich laacibkeedan, sida ay sheegayaan wargeysyada, si ay gacanta ugu dhigto Alcantara

si ay u gaarsiiyaan heshiis ku saabsan ku biirista reer Brazil iyo dhalashada Hispanic, iyadoo suurtagal ah inay hoos u dhigto mushaarka Thiago si uu u dhameystiro heshiiska.

Si la mid ah Barcelona ayaa dooneysa in xitaa ay hoos u dhigto mushaarka sanadlaha ah ee laacibkan si ay heshiiskan u dhameystirto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close