Taageerayaasha Napoli oo weerarkii ugu horeeyay ku qaaday Cristiano Ronaldo! (Ma rumaysan doontid waxa ay sameeyeen)!

(Naples) 18 Luulyo 2018 Taageerayaasha kooxda Napoli ayaa weerarkii ugu horeeyay ku qaaday saxiixa cusub ee Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa isbuucaan dhamaystiray heshiis 105 milyan oo euro ah oo uu ugu biiray kooxda Juventus.

Taageerayaasha Napoli ayaa soo saaray Tiishka musqulaha oo lagu dhajiyay sawirka Ronaldo si ay u dareensiiyaan nacaybka ay u qabaan laacibka cusub ee Juventus iyo sida uu agtooda uga liidan yahay.

Arinkaan ayaa noqon doona mid uu aad uga caroodo Ronlado maadaama dhaqankaan oo kale uusan horay ugu soo arag Premier League iyo La Liga.

Balse taageerayaasha Napoli ayaa caan ku ah dhibaataynta laacibkii ay u arkaan inuu yahay cadawgooda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close