Real Madrid oo ka caawinaysa Chelsea saxiixa Gonzalo Higuain (Sidee?)

(Madrid) 18 Luulyo 2018 Real Madrid ayaa ka caawinaysa kooxda Chelsea saxiixa weerar yahanka kooxda Juventus iyo xulka Argentina ee Gonzalo Higuain.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Chelsea ay u dhaqaaqayso soo xerogalinta Gonzalo Higuain haddii Real Madrid ay la wareegto Eden Hazard.

Image result for Higuain Chelsea

Kooxda reer ingiriis ayaa aqbashay in in Eden Hazard ay ka iibiso Real Madrid, waxaana la filayaa in kooxda reer Spain ay bixiso lacag u dhexeysa 150 ilaa 180 milyan oo euro.

Chelsea ayaa ku qarash garaynaysa saxiixa Gonzalo Higuain lacagta ay ka hesho iibka Eden Hazard oo ku sii jeeda Real Madrid.

Tababare Sarri ayaa doonaya inuu markale la midoobo Higuain oo uu ku soo layliyay Napoli.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close