Maurizio Sarri oo sharaxaad ka bixinayay go’aankiisa kaga aadan xiisaha Willian kaga imaanaya kooxda Barcelona

(Chelsea) 18 Luulyo 2018. Macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay in laacibka reer Brazil ee Willian uu sii joogi doono Blues xili ciyaareedka soo aadan.

Barcelona ayaa si xoogan u daneeneysa saxiixa Willian, kadib markii ay ku guuldareesatay raacdadii ay ugu jirtay Antoine Griezmann.

Macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde ayaa si aad ah u la dhacsan qaab ciyaareedka laacibka reer Brazil ee Willian. Wuxuuna u arkaa inuu yahay mid ka haboon inuu xirto maaliyada Barca.

Laakiin tababaraha cusub Mauricio Sari ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka reer Brazil Willian inuu baaqi kusii ahaan doono kooxda xilli ciyaareedka soo aadan garoonka Stamford Bridge. Isla markaana uusan dooneynin inuu u ogoaalado kooxda Barcelona.

Hadalkan kasoo yeeray Maurizio Sarri ayaa wuxuu laabto u qaboojiyay jamaahiirta Blues oo ka wal walsanaa xiliyadii lasoo dhaafay in ay u waayi doonaan Barcelona mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan garoonka Stamford Bridge.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close