HALIS: Alex Oxlade-Chamberlain oo seegaya in ka badan kala bar xili ciyaareedka cusub

(Liverpool) 18 Luulyo 2018. Alex Oxlade-Chamberlain ayaa kaga maqnaan doona inta badan xilli ciyaareedka 2018-2019 kooxda Liverpool sabab la xiriira dhawaacii uu ka qabay dhanka Jilibka.

Macalinka kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay maqnaanshiyaha Chamberlain, taasoo qasab ku noqotay in ay dib u soo cusbooneysiiyaan rabitaanka Nabil Fekir.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la dhibtoonaya dhaawac dhanka jilibka ah kasoo kasoo gaaray kulankii Roma Champions League ee xilli ciyaareedkii hore.

Jürgen Klopp ayaa rajeenaya in laacibkiisan uu dib u soo laabto bisha February ee soo aadan, taasoo ka dhigeysa in saddex meelood uu ka maqnaan doono Reds xili ciyaareedka cusub

Chamberlain ayaa Liverpool ayaa kaga soo biiray xilli ciyaareedkii hore kooxda Arsenal heshiis ku kacay 35 milyan ginni.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close